. Dadkii hore ee degganaa Baabil (ciraaq), jasiiradda carabta, iyo shaam waxay caabudi jireen sanamyada
meerayaasha I.W.M.
Nabi Ibrahim Calayhi salaam wuxuu kusoo barbaaray dhulkaasi, Allah ayaa hanuuniyay,
wuxuuna u doortay inuu noqdo rasuul yo nabi.
Nabi Ibraahim wuxuu gudagalay inuu qowmkiisa ugu yeero inay caabudaan Allaah o kaliya, 00
ay ka tagaan sanamyada, iyo meerayaasha ay caabudayaan.
Wuxuu nabi Ibrahim isku dayay inuu xujada ku oogo qolada meerayaasha caabuda iyo sida ay u
fekeraan, si ay u gartaan in hal ilaah oo kaliya oo ka jiro kawnkan, nabi Ibraahim wuxuu eegay
samada, wuxuu arkay mid kamid ah meerayaasha, kolkaas buu yiri kani waa rabbigay, inyar
kaddib meerihii wuu qarsoomay, kolkaas buu yiri kani ilaah ma aha,
Wuxuu markale arkay dayixii o ifiyay mugdiga habeenka, kolkaasuu yiri waa kan rabbigay,
haddana wuxuu yiri kani ilaah ma aha, waaberigii Waxaa soo baxday qorraxda, kolkaasuu nabi
Ibrahim yiri: Waa kan rabbigay, qorraxda ayaa ka weyn kana iftiin badan dayaxa,
iVO
meerayaasha, intaasi wuxuu uga jeeday in uu tuso xujada ay ku andacoonayaan, fiidkii markii la
gaaray qorraxdii ay gabbalkeeda dhacay, wayna qarsoontay.
Nabi Ibrahim Calayhi salaam wuxuu u sheegay kuwii caabudi jiray meerayaasha in Allah uu
yahay kan abuuray qorraxda, dayaxa, samadaha, iyo dhulka, sidoo kale Allah subxaanah
watacaalaa o kaliya ayaa ah kan aqa lagu caabudo, Alle ayaa ka weyn waxkasta, ma suulo, ma
maqnaado, mana hurdo, sida ay ay u suusho dayaxa, u qarsoonto qorraxda, makhluuqaadkana u
seexdaan.
Qowmkiisa ayaa la dooday si kasta ayuu isugu dayay inuu diinta ugu yeero, balse way ka madax
adeegeen.
0 Comments