Latest Article

6/recent/ticker-posts

Nabi Ibrahim oo dab lagu tuuray!😢

 

.  Markii u nabi Ibraahim burburiyay sanamyadii, una sheegay qowmkiisa in asnaamtu aysan wax

tarin, waxna dhibin, waxay ku adkaysteen sanamyadooda, waxayna ku talogaleen in nabi

Ibrahim lagu tuuro dab holcaya.

Waxay yiraahdaan: Ha la gubo, oo ilaahyadiina u gargaara.

Waxay soo uruuriyeen xaabo tiro badan, wayna huriyeen ilaa ay karkarto, kaddib waxay keeneen

nabi Ibraahim o0 xarig ku xirxiran, waxayna ku tureen dabkii holcayay, isaguna wuxuu yiri:

Xasbiyallaahu wa nicmal wakiil.

Allah Subxaanah watacaalaa ayaa u waxyooday dabkii o ku yiri: Dabkoow u noqo Ibraahim

qabow iyo nabadgalyo, nabi Ibraahim wax dhib ah ma uusan arag, wuxuuna ahaa mid iska

tasbiixsada ilaa dabkii u damay, wuxuuna kasoo baxay isagoo badqaba, waxaa gubtay oo kaliya

xargihil isaga lagu xiray.

Nabi Ibrahim waxaa rumeeyay uun aaskiïsa Saara, iyo wiilka walaalkii dhalay ee Luud. Namruud waxa uu ahaa boqor daalim ah oo gaal ah, waxa uu sheegan jiray ilaahnimo, waxaa u

tegay o dacwaddii u la tegay Nabi Ibraahim o u sheegay in uu jiro hal ilaah, waana Allihi

abuuray kownkan, samadaha iyo dhulalka.

Namruud baa wuxuu yiri: Waa kuma Rabbigaaga ibraahimoow?

Wuxuu nabi Ibrahim ku jawaabay: Rabbigay waa kan wax nooleeya, waxna dila.

Namruud waxa uu yiri: Aniguba waxbaan dilaa oo nooleeyaa. Kolkaas ayuu Namruud u wacay

laba nin oo xabsiga ugu jiray, wuxuuna ku yiri: Mid ha la dilo, kan kale ha la iska fasaxo. Nabi Ibrahim oo la yaaban caqliga yarida ninkan, waxa u ku yiri : llaahey cadceedda ayuu bari

kasoo bixiyaa, ee adigu galbeed ma ka keeni kartaa? Kolkaas ayuu wareeray Namruud, wax uu

ku hadlo ayuu garan waayay.

Nabi Ibrahim o0 ay la socoto xaaskiisa Saara waxay u soo ambabaxeen Masar si ay dadka ugu

yeeraan xagga Alle. Masar waxaa xilligaa ka talinayay boqor damac badan o0 xoog ku qabsada

hablaha qurxoon, waxa uu isku dayay in uu ku soo dhowaado Saara o0 ahayd xaaskii nabi

Ibraahim, balse wuu ku dhici waayey aad ayuuna u bagay, waxa uu soo silyay haddiyado

farabadan iyo gabar Jaariyad ah o la yiraahdo Haajar.

Nabi Ibrahim iyo sowjadiisa waxay kusoo laabteen Shaam, waqtigaasina Saara waxba umay

dhalin nabi Ibraahim, waxay u hadyaysay Haajara si uu u guursado o ay u dhasho durriyad,

waqti badan kama soo wareegan Haajar waxay dhashay nabi ismaaciil Calayhi salaam.

Post a Comment

0 Comments