Waqti ka mid waqtiyada , ayaa waxaa ugu habsaday wal-wal waxa aan doonay sidii aan ugu bixi lahaa wal wal kaas , waxa aan isku dayay dhawr mar ilaa shan iyo lex jeer si aan ugu baxo, intaas kadib ayaa naftayda ku idhi ( maxaan uga war la aahy cidda gacanta ku haysa arinkayga oo dhan oo aaan dhabarka uga sidaa wal-baharkaan ? AYay ahayd ciddii arin kayga maamilaysay waqtigii aan ahaa ilmo yar oo caano nuug ahaa? EE aan ahaa mid aan awoodin in uu hadlo oo uu naftisa ka dhowro hangarallaha (dib qalooca) dhulka dultukubaya ?Ayuu ahaa midki dabka iga waycinayay waqtigii aanan dhuxusha dabk iyo dahabka aanan kala soocaynin ? AYay ahayd ciddii i ilaaalinaysay waqtigii eee aan ahaa uur-jiifka ? Waxa uu ahaa ilahay swt oo aringayga oo dhan gavantiisa ay ku jirtay
Waqtigii aan si dhaba u gartay in Ay arintaydu ilaahay gacantiisu ku jirto waxaa iga tagay wal wal kii dhabarkaygi culesiyay waxaa noqday Mid dagan .
Waddada lagu gaadho macaanka iimanku waa : DUCADA. Ilaahay bari markasta ducada qudheeda ayaa Ah cibaadoh. U jeedka ducada ay ku duceeyen wadaadu maalinta jimcaha iyaga oo doonaya in ay dadka kaga yaabsadan sida ay u soo qaybeen iyo aftahanimadooda. Dadaalka ay ku bixiyaan in ay dadka kaga yaabsadan waxa uu ka badan yahay midka ay u bixiyen in uu ilahay ka aqbalo.
Wadadadaasi waxa ay ka dhigan yihiin sidii qof ku hadlaya taleefon ( telephone ) lakin uu go’an yahay xidhiidhii xiriirinayay hadlaya iyo la la hadlaha .! U jeedka ducada laga lee yahay waa in aad si dhaba ugu badhax tirto ilahay. Oo aad qalbigada ka sarto wax yaabaha kale .
Badanaa ! Weedh uu ku duceeyay qof aqoon badan lahayn balse uu ilahay u badhax tiray oo ducadiisa la aqbalay. Badanaa ! Mid aqoon badan oo ducoyin badan ku duceya balse aan ilhay agtisa waxba ka goyn. Haddii aad joogteso la rafiiqa dadka wanagsan oo aad ilahay si dhaba isika dhawrto, oo aad baryadiisa joogtesoh, oo habeen kasto kuu ahaato laylatul qadri waxa aad heleysaa degenaan nafeed iyo rayn-rayn gudeed .
0 Comments