Waxa ay iwaydiisay jaceelka iyo guurka waxaan ugu jawabay ! " ilahay waxa uu ku abuuray basharka labo baahiyod . mida kowad waa in uu doono qof nimadiisu midaasi waxa ay uhorseeday in uu waqtiga uu gaajodo uu doono in uu wax quuto si ay u noolaato naftiisu. midda labaaadna waa in ay ku abuuuran tahay baahida doonista oo ah in ay waarto noocyadisu . midaasna waxay ka dhigtay in uu ka ag-dhawaaado jinsigiisa . haddii uu lab yahay waa in uu ka ag-dhawaada dhidig haddii ay dhidig tahayna waa in ay ka ag-dhawaata lab. Sikasta oo ay u qurxiyan abwaanada iyo suuganyahanada jaceelka , jacelku waa kaliya xiriir dhexmara laba jinsi ( lab iyo dhidig ) waddo kale jacelka laguma helo jaceelka bigrada ah waa sheego khuraafad ku dhex faaftay dadka waaalan iyo dhalanyarada qudha. JACEELKU waa gaajo nafeed ee ma awoodan laba gaajaysan in ay sheegtan dhadhanka cuntada ay u baahan yihiin ? Kuma hagaago Guurka in jaceel qudha lagu dhiso waxa uu ku hagaagayaa in lagu dhisoh sees adag oo ah, Is-waafaq fikir iyo dhaqan togan iyo qaab nololeed bulsheesan . Waxaas oo dhan waxa ay ka yimaadan dareenka iyo cadiifada qofka waa uu eegayaa iyadana waa ay eegaysaa labada qalbi ilahay dhexdooda waxa uu dhigaa isku dareen noqosho iyo is daneen midba midka kale uu u leexa naayoh . Gal-gacal kaaas ayaa waxa uu dhalaa jaceel dhidibo adag ku taagan oo kuu guur ku danbeeya.
0 Comments