1 .
"in aad iska yaraysid waxyaabaha ku dhibaya
ayaa ka wanaagsan in aad badsatid waxyaabaha ku
anfacaya".
Tusaale ahaan, qof ayaa waxa u qabaa macaan waxaana
laqu yiri macaanka iska ilaali, waxaa fiican in uusan u
dhawaanba waxyaabaha macaan, o uu san is dhihin dhib
malahan iska cun, dawadii baad qaadanaysaa.
Tani waa qaacido hadii an nolosheena ku dhisi lahayn
cudurro badan aynu ka badbaadi lahayn.
2
"ka hortagga ayaa ka wanaagsan is daawaynta"
Tani waa qaacido kale o muhiim ah marka la joogo cariga
"goobaha" caafimaadka, waayo in aad samaysid ka hortag
iyo arrimo aad uga hortagaysid cudurka si uu jirkaaga uga
badbaado cudurkaas ama u awood uu iskaga celin karo u
yeesho sida in aad ku dadaashid kor u qaadida difaaca
jirkaaga ama ka fogaanshaha goobaha qashinka iyo
wasakhda yaalaan, ama u cudurka kaa soo raaci karo,
arrimahaas oo sameysid waxa ay ka fican oo ay ka
wanaagsan yihiin in aad isticmaasho dawo marka uu
cudurka kugu dhaco adiga o0 an is daryeelin.
0 Comments