soyaalka sheikh ali dandaawi layaab ka mid ah layaabka waqtiga , aqoon iyo xikmad , garaad iyo fahmo, cod karnimo iyo aftahanimo aqoon dheeri ah oo dheeli tiran xusuuso xoog badan awood ku dhisan gaadhsiinta fariimaha dadka kale habtabin gaar ah . waa akhristihii awooda badnaa dhawrsoonihii dhabta ahaa dhowrsoonihiiisu waxay ka dhigtay ruux gaar ah , waa dhorsone aan dheef raadis ahayn . waa xeel dheere ururinta aqoon dheer waa xeel dheer aan lagaga daba dhufan hadalka iyo kudbintiisu . waa mid kamid culimada, iyo baaqayaasha dhinaca ilahay waana af maal gaar ah , waa cali binu mustafa Al Dandaawi waxa uu ku dhashay magaalada Dimishiq 12 june 1909 . waxa uu ka dhashay Qoys Diined ku sugan diinta . Asal ahaan waxauu ka soo jeeda Magaalada Danta ee dalka Masar Waxaane u hayaame awowgi muxamed binu mustafa Bilowgi Qarnigii 19aad magaalada dimishiq Waxa uu ahaa awowgi Buuni ( Caalami ) as-hari ah waxaa loo qaaday dhulka shaam, halkaaas oo uu ku weeleyay aqoonta caqliyaad gaar ahaaan xidigiska iyo xisaabadka .
0 Comments