Tusaalooyinkii hore waxaan U soo qaatay waxbaaha mararka qaarkiis laga
samro si Samirka loo Fahmo Halkaan waxaan Ku soo koobayaa inta aan
isleeyahay weey tahay in laga samro 00 Alle I waafajiyo
1 saaxibada xun:
Sababta aan ugu dhigay tan ugu horeyso waa in saaxibada eey kaaga
dhawyihiin Cidwalba o0 aan iska ilaalineynin marka waa in aad Ka samirtaa
Saaxibada xun. an si yar kuu Fahamsiiyo waayo Saaxibada xun Waa kuwa
Kuugu dhaw dadka Ee aan qarin sirahaada, faafiya Xogtii aad dadka kale 00
Dhan Ka qarisay balse Aad asaga ama iyada saaxib ahaan ula wadaagtay balse
si faafiyay xogtaada.
Kuwa aan Ku sin taloovinka nolshaada wax taraayo 00 horumar aad Ku gaari
karto aduun iyo aakhiro balse taas badalkeeda cadaw qarsoon kugu ah ku
siinaayo talooyin aad Ku qasaareyso waliba si ula kac ah kuu siinaayo.
Kuwa aan Kula ilaalin Naftaada waa Saaxibada xun kuwan aan Kaaga digin
meelaha Naftaada Qatar Amni kasoo gaari karto ama dhibaatooyin kale ee
kugu fasaxa iyaga o0 Ku qabsan Kara ma ahin saaxibo wanaagsan ee waa
kuwo xun.
Kuwa dadka xumaantooda Kaaga sheekeya ee aad Isla xantantiin Maalin kasta
xan iyo dambi maahine wax kale aan Kala faaiidin waa saaxibo xun
Kuwa jidka Alle noo jideeyay dabarka jeediyay Adiga Raba in aad
wadadooda raacdo saaxibo maahin hadaa soo jeedin Karin waa in aad Ka
fogaataa.
Saaxibada xun waa in aad Ka samirtaa Gabi ahaantoodba aad Ka reebataa
hadalkaada iyo sheekadii aad gooni ula ahaan jirtay
0 Comments